Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Manchester United oo wali ku socota wadada guul la’aanta iyado xalay markale jid loo galay.

Kooxda Man United ayaa wali dhaxda ka taagan wadada guul la’aanta iyago xalay markale jidka loo galay.

kulankan oo dib udhacay mudo 5 daqiiqo ayaa kubilowday dareen Xamaasad oo aad usareysay & dar dar Xoogan oo labada xoogan ay soo bandhigeen,  Walow ciyaarta xiisahaasi ay leheed hadana labada Kooxood ayaa bilowgii waxa ay weeraro xoogan oo dhinacba dhinac weedaarsanayey balse majirin wax gool oo ku dhashay.

Kubad si qurux badan uu usoo farsameystay xidiga da’da yar ee Rashford ayaa shuut xoogan ku tuuray goosha Valencia balse aysan noqon gool.

Valencia ayaa sidoo kale ka jawaab celisay kadib markii kubad qurux badneyd oo loo tuuray Guides xidiga numberka 7aad waxaana usoo dhex dhigay gudaha mandiqada Rigoorada balse wax natiijo kama soo naasa cadaan weerarkaasi.

Markale Weerar yahanka United Rashford ayaa shuut xoogan kutuuray Goolhayaha Valenica balse nasiib daro waa laga bad baadiyey kubadaasi, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 0-0.

Markii leysu soo laabtay  waxaa halkiisa kasii socday qaab ciyaareedkii caajisnimada ee Man Utd oo la dhihi karay waxa ay heyd mid lagu caajiso qaastan qadka dhexe oo ay ka dhibaateysneed.

Daqiiqadii 49 aad kubad si qurux badan uu usoo habeystay Rodrigo ayaa waxa uu ubaasay Gondogbia waxaana shuut uu ku tuuray Degea ay martay birta geeskeeda.

Xoogaa Culeys & Rafaad ah United ayaa bilaawday kubad dhiiranaan ah oo gadaal laga soo dhisayey waxaana markaasi ay umuuqatay united-dii laga yaqiinay balse waxba kama soo naasa cadaan ilaa daqiiqadii 90 aad oo 0-0 ayey kusoo dhamaatay ciyaartii adkeyd.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

5 mins ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

5 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

6 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

9 hours ago