Kooxda Real Madrid ayaa wali ku jirta xaalad adag kadib markii xalay markale la garaacay ayna garaacday kooxda CSK Moskow.
Tababare Lopetegui oo markii horeba ka soo tagay xiddigo muhiim u ahaa kooxdiisa ayaa hadana is badal ku sii sameeyay shaxdiisa isaga oo nasiyay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric.
Kooxda reer Russia ayaa si deg-deg ah ku furatay ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 2-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo ka faa,iidaystay khalad uu sameeyay xiddiga Toni Kroos.
Xiddiga Nikola Vlasic ayaa sidaas ku dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka kagana nixiyay kooxda Real Madrid gool wakhti hore ah.
Real Madrid ayaa la wareegtay maamulka kulanka iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha laakiin kooxda CSKA ayaa si waali ah u difaacanasay.
CSKA ayaa dhanka kale qaadaysaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku dhalin gaartay goolal kale oo ay ku sii dheeraysan kartay hogaanka ciyaarta kulankana ku dili lahayd.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda CSKA Moscow ku hogaaminayso ciyaarta laakiin Real Madrid wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka.
Qaybtii dambe ayay Real Madrid ku bilaabatay si waali ah iyaga oo qaadayay weeraro farabadan oo ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha inta uuna wakhtigu dhicin.
Wiilsha Lopetegui ayaa sameeyay fursado halis ah laakiin nasiib u yeelan waayay in ay soo taabtaan shabaqa inkasta oo ay ahaayeen kooxda fiican kulanka.
Kooxda Real Madrid ayay laba fursadoo oo cadaan ah ka hor istaagtay birta iyada oo xiddigaha Real Madrid laba fursadoo ku dhufteen birta taas oo ka hor istaagtay goolka bar-baraha.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda CSKA Moscow sidaas ku gaartay guusheedii 1-aad ee xilli ciyaareedkan ee tartanka champions league Real Madrid-na dhabarka u saartay guuldaradii 1-aad ee champions League.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…