Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Lataliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Massad Boulos, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka iska kaashan karaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo wada shaqeynta dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa taageerada Mareykanka ee dhismaha hay’adaha dowladeed, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Intii lagu jiray wada-hadalka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee uu dhawaan qaaday Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo gacan ka geystay nabadda iyo xasiloonida caalamka.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…