Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdallaha II.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo saameynta Duqeymaha ay Iiraan ka fulisay qeybo kamid ah dalka Jordan.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u xaqiijiyay Boqor Cabdalla in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag buuxa u muujinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jordan.
Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay si adag u taageersan tahay madax-bannaanida iyo dhowrista midnimada dhul ee Boqortooyada Urdun, isagoo ka soo horjeestay gardarrada ay Iiraan ku hayso dalkaas.
“Weerar kasta oo lagu qaado dhulka Urdun waa xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, mana aha mid marmarsiinyo loo heli karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Wada hadalka labada Hoggaamiye ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Dowladda Iiraan Duqeymo ka fulisay dalalka Khaliijka Carabta oo ay ka mid tahay Jordan.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…