Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo Ergayga uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyey taageerada ay siiyaan hay’adaha dowladda iyo howlaha guud ee xafiiskiisa uu dalka ka hayo.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u dul istaagay halka ay mareyso howsha dib u eegista iyo dhammaystirka Dastuurka.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in labada aqal ee Baarlamaanka ay dadaal badan ku bixinayaan sidii la dhammeystiri lahaa dastuurka, isagoo xusay in hawshaasi ay meel wanaagsan marayso.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeyntooda.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli la filayo in dhammaadka toddobaadkan cod loo qaado dib u eegista Dastuurka dalka.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…