Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu soo hooyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan, kaasi oo ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025, taas oo lagu bixiyay xafladdii CAF Awards ee ka qabsoontay magaalada Rabat ee dalka Morocco.
“Garsoore Cumar waa astaan muujinaysa xirfadda iyo dedaalka dhallinyaradeenna, waana guul uu sare ugu qaaday magaca Soomaaliyeed fagaarayaasha caalamka.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh
Garsoore Cartan ayaa abaalmarinta waxaa guddoonsiiyay madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Afrika CAF, isagoo noqonaya qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kuna guulleysta abaalmarinta qaaliga ah.
Dhinaca kale, Ururka Kubadda Cagta Afrika ayaa bixiyay abaalmarino ay ka mid yihiin Ciyaaryahanka ugu Fiican Afrika oo uu qaaday Fiston Mayele iyo Goolhayaha ugu Fiican 2025 oo la guddoonsiiyay Yassine Bounou.
Sidoo kale, Xulka Kubadda Cagta Masar ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Kooxda ugu Fiican Afrika kadib guulo ay gaareen CAF Champions League iyo Super Cup.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…