Garsoore Cumar Cartan ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyay taariikhda ee ku guuleysta abaalmarinta Garsooraha Qaaradda Afrika 2025, iyada oo looga dhawaaqay xafladda CAF Awards ee ka qabsoontay magaalada Rabat ee dalka Morocco.
Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galeen halyeeyo iyo madax sare oo kubadda cagta Afrika ah ayaa sidoo kale lagu bixiyay abaalmarino ay ka mid yihiin Ciyaaryahanka ugu Fiican gudaha Afrika oo uu qaaday Fiston Mayele iyo Goolhayaha ugu Fiican 2025 oo loo guddoonsiiyay Yassine Bounou.
Sidoo kale kooxda Pyramids FC ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Kooxda ugu Fiican Afrika kadib guulo ay gaareen CAF Champions League iyo Super Cup.
Guusha Cumar Cartan ayaa noqotay mid sumcad iyo sharaf u kordhisay Soomaaliya, iyadoo ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u soo dhoweysay.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…