GUDAHA/wararka

Turkiga oo rajo ka muujiyay wada hadallada Ukraine iyo Ruushka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wadahadallada u dhaxeeya dalalka Ruushka iyo Ukraine ay meel fiican marayaan, isla markaasna rejo laga qabo in lagu guulleystaan.

Wuxuu sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu mar walba la fariisto Ruushka si loo helo xabbad-joojin degdeg ah iyo nabad waarta.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo Ankara kula kulmay Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu kalsooni ku qabo dhexdhexaadinta Turkiga.

Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in dib loo bilaabo is-weydaarsiga maxaabiista kahor dhammaadka sanadkan, arrintaasi oo Turkiga dhexdhexaadinayo.

Kulanka Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ukraine ayaa ku soo aadaya xilli dunida ku baaqeyso in la soo afjaro dagaalka Ruushka ku soo qaaday Ukraine.

Bishii July ee sannadkan ayay Turkiga ku kulmeen Madax ka kala socda dalalka Ruushka iyo Ukraine, iyadoo la isku afgartay in ay sii socdaan wada hadallada.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

2 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

5 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

5 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

6 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

6 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

21 hours ago