Madaxweyne Xaaf oo sheegay in Beesha Caalamka uu u bandhigay Culeys DFS Saartay.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta ku laabtay Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa ka warbixyay safar uu ku tagay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xaa oo ay soo dhoweeyeen Xubno katirsan Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qaybaha Bulshada ayaa u sheegay in uu Beesha Caalamka la wadaagay Cabashooyin ay ka qabaan Dowladda Federaalka.

Culeysyo badan ayuu tilmaamay in uu saaran yahay, beesha caalamka uu la wadaagay si ay talo wanaagsan u siiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Xalka ugu fudud ee uu ku yaraan karo ama uu ugu qaadmi karo ayuu ku sheegay in ay tahay Beesha Caalamka oo soo faragelisa, maadama iyada Dowladda siiso dhaqaalaha.

Waxa uu meesha ka saaray in Madaxda Galmudug ay isugu tageen Magaalada Nairobi si ay ugu yeeshaan Fadhi ay Beesha Caalamka ugu bandhigayeen Tabashooyinka ay ka qabaan Dowladda.

10-ka bishaan waxa uu Madaxweyne Xaaf sheegay in ay isugu tagi doonaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland si ay ugu yeeshaan kulanka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Markale ayuu sheegay in ay ka fadhiisan doonaan waxyaabaha iska badalay go’aankii ay ku hakiyeen Xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo waan-waanta golaha Aqalka sare ay wadaan.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa Dowladda dhexe ku dhaliilay in ay faragelin ku heyso, waxaana shirkoodii ugu dambeeyay ay Kismaayo ku yeesheen ku sheegeen in ay hakiyeen Xiriirka Dowladda.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

22 hours ago