Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Safarka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayay wararka qaar sheegayaan in uu yahay mid uu dhulka ku marayo, isaga oo sii mari doono deegaano dhaca Maamulka Puntland.
Mas’uuliyiin ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa Mustaqbal u sheegay in Safarka Madaxweyne Xaaf uu ku qotomo ka qaybgalka shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo la filayo in uu ka dhaco Magaalada Garoowe.
Shirkaan ayaa dib ugu dhacay 10-kii Bishaan Sababo la xiriira Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee Golahaan ku mideysan oo intooda badan Dalka ka maqnaa.
Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo, balse waxaa socdo qaban qaabo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku gaarayaan Magaalada Garoowe oo ah halka lagu ballansan yahay.
La soco wixii kasoo kordha.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…