Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku sugan Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska ayaa maanta kulan la qaadanaya Boqorka Dalkaas Charles, waxa ay diiradda saarayaan xiriirka labada dal iyo mashaariic cusub oo labadaas waddan wadaagayaan.
Kulanka waxa uu ka dhacayaa Windsor Castle, waxaa la diyaariyay hab maamuus aad u sarreeya oo boqorka Ingiiriska uu ku qaabilayo Madaxweynaha Maraykanka Donald halkaas oo la sheegayo in uu ku guddoonsiinayo billaado kala duwan.
Muddada uu kulanka socdo waxa ay Dowladda Ingiriiska samayn doontaa dhoolatus ciidan si ay isugu muujiyaan in awooddooda weli ay tahay mid jirta maadaama Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu horay Ra’iisul Wasaaraha Britain u weydiiyay heerka awooddoodu gaarsiisan tahay.
Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in heshiis ay la gashay shirkado waa weyn oo dhinaca tiknoolajiyadda ah oo laga leeyahay Dalka Maraykanka sida Microsoft, NVIDIA & Google si ay u maalgeliyaan qorshaha lagu horumarinayo Garaadka Macmalka ee AI & Tiknoolajiyadda Nukliyeerka.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…