Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhibsaday su’aal uu weydiiyay Suxufiga lagu magacaabo John Lyons ka tirsan Hay’adda Warbaahinta Australian Broadcasting Corporation (ABC) oo la xiriirta kororka dhaqaalihiisa & damaciisa uu kusii joogayo Aqalka Cad.
Suxufiga ayaa si gaar ah u Donald Trump u waydiiyay isbaddelka dhaqaalihiisa wixii ka dambeeyay billowgii sanadkaan balse waxa uu si kooban ugu jawaabay in hantidiisa iyo maamulkeeda ay hayaan xubnaha qoyskiisa.
Mar kale ayuu John ku celiyay Madaxweyne Donald Trump sida uu Aqalka Cad ugu soo laaban karo marka uu dhammaysto muddo xileedkiisa maadaama 8 sano ka badan ama labo muddo xileed wax ka badan aan dastuurka Dalkiisa u ogolayn.
Trump waxa uu isla suxufiga u sheegay in uu dhowaan la kulmayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Australia isla markaana uu u sheegayo in ficilkiisa uu yahay mid dhaawacayo sumcadda dalkaas sida uu hadalka u dhigay.
“Aniga waxaan qabaa inaad aad u dhaawacayso Australia hadda, dadka Australia-na waxay doonayaan inay ila jaanqaadaan, waan u sheegi doonnaa Ra’iisul Wasaaraha Australia in aad adiga tusaale xun ayaad tahay” ayuu yiri MW Donald Trump.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa inta badan iska ilaaliya su’aalaha meelaha adag taabanaya ee Suxufiyiintu waydiiyaan, waxa uu u muuqdaa in uu qaatay go’aan adag oo la xiriira maran-habaabinta su’aalahaas uu dhibsanayo in uu jawaab ka bixiyo.
Mustaqbal
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…