GUDAHA/wararka

Madaxweyne Putin “Haddii aan dagaal la hurayn noqo kan gacanta la hormara”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay is hayaan xulufada isbahaysiga NATO ayaa sheegay hadal u muuqda in uu ku dhiirragelinayo ciidankiisa u dhaqaaqay dhinaca saldhigyada ugu waa weyn ee isbahaysigaas.

Waxa uu sheegay in haddii aan laga fursananay dagaal in ay habboon tahay in aad noqotid qofka ugu horreeya ee gacan qaada, tani waxa ay si cad u muujinaysaa sida uu u doonayo inuu kala hormaro NATO dagaalka uu damacsan yahay.

“Haddii aan dagaal la hurayn noqo kan gacanta la hormara, Ruushka waxa uu diyaar u yahay in uu ka takhaluso cid weliba oo kahor imaada danihiisa ama isku dayda in ay soo raacdo Dalalka ka dhanka ah” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ee Ruushka ayaa soo bandhigtay muuqaallo ay kasoo duubtay Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka oo u ruqaansaday dhinaca meelaha u dhow saldhigyada Isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky oo dalkiisa lagu daawaday duullaankii uu kusoo qaaday Ruushka ayaa markaan helay fursad uu kusii hurin karo xiisadda taagan, waxa uu wax laga yaqyaqsado ku tilmaamay in NATO ay u cudurdaarto diyaaradaha Ruushka uu u diray Poland & Romania.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago