Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026 isla markaana uu yahay hoggaamiye waxqabadkiisa la hubo.
Dirir ayaa sheegay in xaaladda Dalka marka la eego loo baahan yahay in Siciid Cabdullaahi Deni uu ka samatabixin karo dhibaatooyin siyaasadeed uu sheegay in uu waddanka ku jiro sidaas awgeed uu markale isku soo taagayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
“Puntland waxa ay u diyaarsan tahay samatabixinta dowladnimada Soomaaliyeed, sidii ay horay ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore Cabdullaahi Yuusuf, Mar kale Madaxweynaha Puntland Saciid Deni waxa uu samatabixin doonnaa dowladnimada Soomaaliyeed, xilligaan ma jiro hoggaamiye kale oo waxqabadkiisa la hubo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta DG Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Awoodaha maamulka ee Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedka ayuu sheegay in Dowladdu ay ku gardaran tahay tallaabada ay ka qaadday arrimaha dhinaca socdaalka, waxa uu dooddiisu ku adkeeyay in keliya ay maamusho Muqdisho isla markaana aanay sharci kusoo rogi Karin qofka galaya Puntland iyo Jubbaland.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…