Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u amba baxay Dalka Burundi halkaas oo uu kula kulmayo Madaxweynaha dalkaas.
War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saarayo iskaashiga dhinaca amaanka, xiriirka labada dal iyo adkeynta danaha ay wadaagaan labada dal.
Midowga Afrika ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Kun Askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi ay 28ka Bishan ka baxayaan Soomaaliya.
Dowladda Burundi ayaa arrintaas aad u diidday iyada oo Madaxda Midowga Afrika ku eedeysay in ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan dalkaasi.
Ciidamada Burundi ee kunka Askari ah ayaa 28ka Bishan ka baxaya Maamulka Hirshabeelle,madaxda Maamulkaas ayaa aad walaac uga muujiyay bixitaanka Ciidanka Burundi oo ka baxaya Gobolkooda.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku baaqay in la qeybsado Ciidanka ka baxaya AMISOM halkii laga wada qaadi lahaa Maamulkiisa.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…