Madaxweyne Farmaajo oo Soo dhoweeyay Xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn buuxda u tahay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada iskaashiyada caalamiga ah ee lagu dhawrayo xuquuqda adaanaha, isagoona tilmaamay in ololaha ay Soomaaliya uga mid noqotay Golahani uu qaatay muddo sannad iyo bar ah.

“In dalkeennu uu u tartamo, kuna guuleysato ku biiritaanka Golahan oo kale waxay muujineysaa inaan si qumaati ah dib ugu soo noqoneyno booskii aanu ku lahayn caalamka. Waxaan xoogga saareynaa sidii aanu u xaqiijin lahayn dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha si waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka aan bahwadaagta ku nahay Urur Goboeedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dalalka kale ee aan saaxiibada nahay sida hagar la’aneed ee ay inoogu garab istaageen kamid noqonashada Golahan.

Guushan taariikhiga ah keddib, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dardargelinaysaa dadaallada ay uga tartamayso xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay ugu dambeysay sanadkii 1971-72dii.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan soo celinta maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka oo in muddo ah dalku uu ka maqnaa, iyada oo la garabsanayo dalalka aanu saaxiibada nahay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

3 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

6 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

6 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

7 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

9 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

10 hours ago