Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Madaxda Itoobiya, Jabuuti,Eritrea iyo Somaliya ku kulmayaan Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ka hadlay Isbeddelka qaabdhismeedka siyaasadda iyo Dhaqaalaha geeska Afrika iyo faa’idada ugu jirta Shacabka Somaliyed.

Hadal uu Warbaahinta ugu talagalay, ayuu ku soo hadal qaaday kulamadii u dnabeeyay ee yeeshaan dalalka dhaca Geeska Afrika, gaar ahaan Wadamada; Itoobiya, Somaliya iyo Eritrea, Madaxweyne farmaajo waxa uu tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray kulamadii Asmara iyo Adis-Ababa.

Kulanka 3-aad ee Dalalkaasi, ayuu sheegay Madaxweynaha iney ka dhaceyso magaalada Muqdisho, ma sheegin Madaxweynaha waqtiga rasmi ahaan uu dhici doono Kulanka.

Jabuuti, ayuu sheegay iney suura gal tahay iney ka soo qeybgasho Kulankan Muqdisho ka dhacaya, Waloow aaney goob joog ka eheyn labadii kulan ee u danbeeyay.

Dhinaca Kale, Madaxweynaha waxa uu soo hadal qaaday Isbadalka ka dhacay dalka Itoobiya 10-kii bilood ee la soo dhaafay oo uu xafiiska maamulayay Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed.

Itoobiya, ayuu sheegay iney faragelin toos ah ku heysay dalkan, balse sanadihii danbe laga baaqsaday arintaasoo, taasoo ku timid dadaal ay bixisay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

1 hour ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

4 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

4 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

5 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

7 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

8 hours ago