Qaramada Midoobay oo Eritrea ka qaaday cunaqanatayntii saarnayd Sagaalka Sano.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta saarneyd dalka Eritrea laga qaado.

Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Dhawaan ahay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara.

Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.

Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay coalad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

32 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

3 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

3 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

4 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

6 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

7 hours ago