Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Xeerka Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan.

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lix biloood gudahood ku soo dhammeeyay shaqadan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay si dhakhso ah usoo dhammeystiraan Hindise-sharciyada haray oo uu ugu horreeyo hindise-sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda.

Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Mustaqbal media

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

18 mins ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

49 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago