Ciidanka Amaanka degmada Karaan ee Gobolka Banaadir ayaa toogtey Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada,kaasi oo dilay u geystay wade Moote Bajaaj.
Dadka goob joogayaal ah ayaa Mustaqbal u sheegey in muran dhexmaray Askariga iyo Darawalka Motooto Bajaajlaha ahaa, ka dibna askarii uu madaxa Xabad uga dhuftay wadihii Mootada.
Askarigii dilka geystay oo goobta cararay ayaa galay guri ku yaal Xaafada Faanoole ee dagmada Kaaraan,balse Ciidanka amaanka ayaa tagey gurigii uu galay askarigii hubeynaa iyagoona ugu dambeyn guriga dhexdiisa ku toogtay Askarigii dilka geystay.
Maydka Darawalkii Mooto bajaajta ayaa loo qaaday xurunta hey’adda Dambi baarista ee CID ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dagmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Waxaa marar badan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya dilal loogeystay wadayaasha Moota Bajaajta oo ka dhasha muran dhexmara iyaga iyo Ciidanka amaanka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…