Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay Xaafadda Buulo Shiidle, Degmada Shibbis ee Magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Labo Askari oo ka tirsan Dowladda Hoose,waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay qof la fadhiyay labada Askari ee ka tirsanaa Minishiibiyada.

Waa dilkii 3aad oo saaka kaliya ka dhaca Muqdisho,waxaa sidoo kale Degmada  Waabari lagu dilay Labo Askari oo Midi Gaashaanlle dhexe ahaa halka midka kale la sheegay in uu ahaa Xiddigle.

Dilalka ayaa waxaa ay yihiin kuwa soo badanaya iyada oo Dilka Gaashaanlaha saaka lagu dilay Degmada Waabari gaar ahaan Xaafadda Horseed ay sheegatay Al-shabaab.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

56 mins ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

1 hour ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

3 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

8 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

9 hours ago