GUDAHA/wararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha Midowga Yurub arrimaha Geeska Afrika

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska.

Madaxweyne Farmaajo, Alexander George Rondos iyo Nicolás Berlanga Martinez

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, taageerada hay’adaha garsoorka iyo deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaadanayo.”

Dhankiisa, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alexander George Rondos
Web master

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

9 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

11 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

19 hours ago