Categories: GUDAHA/wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Asmara kula kulmay RW Abiye iyo MW Afwerki.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa Caawa ka dagay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Hoggaamiyayaasha dalalka Soomaaliya.Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir ku leh haatan  Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea, Farmaajo waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Hogaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea.

Shirka u socdo hogaamiyayaashan waxaa diirada lagu saarayaa khilaafka u dhaxeeya dalalka  Jabuuti iypo Eritrea, Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa saaka ka degay Magaalada Dekadda leh ee Casab,halkaas oo uu kula kulmay Madaxwenaha  Eritrea.

Waxaa uu booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda Casab oo 71km u jirta Sohdinta Itoobiya islamarkaana uu doonayaa in Badeecadaha Itoobiya kala soo degeyso Dekadda Casab in ay soo maraan waddo u dhaxeysa Casab iyo Itoobiya.

Bishii July ee la soo dhaafay ayey Hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Soomaaliya booqdeen dalka Eritrea iyaga oo la saxiixday heshiisyo kala duwan.

Shirkan oo la filayay inuu galabta qabsoomo ayaa dib u dhacay Madaxweyne Farmaajo oo soo daahay darteed, waxaana looga hadlayaa sidii Earitrea looga celin lahaa dhulka iyo Maxaabiista ay ka heysato Dowladda Jabuuti.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

13 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago