GUDAHA/wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Ahlu Sunna ku bogaadiyay dagaalkii ay la galeen Al-shabab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu magaalada DHuusamareeb kulan kula qaatay hoggaanka ugu sarreeya Ururka Ahlu Sunna ee Magaaladaas maamulayay.

Madaxweynaha ayaa madaxda Ahlu Sunna ee uu la kulmay ku bogaadiyay dadaalka iyo halganka ay u galeen in degaannada ay ka taliyaan ka celiyeen AL-shabaab.

Waxaa kale oo uu Madaxeynuhu ku bogaadiyay sida Ahlu Sunna oga qeybqaadatay dhismaha Maamulka Galmudug ee uu hadda dhismahiisa ka socda Magaaladaas.

Ahlu Sunna ayaa Magaalada DHuusamareeb ku wareejisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaddib markii heshiis ay la saxiixdeen Ra’isalwasaare Kheyre ay Ciidankoodii ku wareejiyeen laguna daray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulankaas kaddib ka baxay Magaalada Dhuusamareeb waxaana uu Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka uga qeybgeliyaa shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey.

News Editor

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

14 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

18 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

18 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

19 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

20 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

20 hours ago