Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Cabdifitaax Al-Siisii Madaxweynaha Masar.
Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira kulan la qaatay dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-Siisii.
Waxa ay kawada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga iyo dhaqangelinta heshiisyo ay horay uwada galeen labada Madaxweyne.
Sidoo kale waxa ay labada dhinac iska kaashanayaan Hormarinta Iskaashi dhinacyo badan ku dhisan oo dhexmara labada dal, si mustaqbalka ay ugu faaiideystaan labada shacab.
Xaaladda ka aloosan dalka Sudan ayay isku soo hadal qaadeen iyo kaalinta ay ka qaadan karaan Dowladaha Soomaaliya iyo Masar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in fadhiga labada Madaxweyne uu kusoo dhamaaday is afgarad ku saabsan waxyaabihii ay kawada hadleen.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey shirka madaxda ee looga hadlayey arinta Sudan, waxa uu sheegay in dajinta xaalada Sudan ay gobalka muhiim u tahay, isaga oo shacabka dalkaas ugu baaqay in ay heshiis ka gaaraan tabashooyinka jira.
Warmuriyed laga soo saaray shirka ayaa taagero loogu muujiyey doonista shacabka Sudan, iyada oo wasiirada arrimaha dibadda dalalka shirka looga hadlayay xaaladda iyo isbadalka Sudan la faray in qiimeyn ku sameeyaan Sudan.
Sidoo kale waxaa la faray Wasiirada in ay dardargeliyaan wada hadalada Sudan ka caawinaya hormarka iyo Xasiloonida Siyaasadda ee Midowga Afrika, si Suudaan aan burbur u galin ama colaad sokeeye.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…