Madaxweynaha Jabuuti oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku yimid Muqdisho.Sawirro.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya.

Labada Madaxweyne oo sii galaya Gudaha Safaarada Jabuuti ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal.

Madaxweyne oo Farmaajo oo qudbad ka jeediyay Xaflada Furitaanka.

“Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhismaha Safaarada Jabuuti ee Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd.

Ismaaciil Cumar Geele Madaxweyne Jabuuti.

“Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo si wada jira xariga ugu jaray Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato.

Labada Madaxweyne iyo masuuliyiintii shirka ku wehlinaysay.

Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Howlka shirarka Kaahiye ee labada Madaxweyne qubdabaha ka jeediyeen.

 

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago