Madaxweynaha Jabuuti oo la hadlay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta Khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dugsiga Janaral Kaahiye waxa uu Madaxweyne Geelle uu kula hadlay Xubno isugu jiray Golaha Shacabka iyo Senetarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ku dheeraaday waajibaadka looga baahan yahay in ay kasoo baxaan Labada Gole, isaga oo kula dardaarmay in ay marwaliba ku dadaalaan Midnimada.

Mas’uuliyadda ugu ballaaran ee saaran Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ku sheegay in ay si wanaagsan ugu adeegaan dadka ay matalaan oo ka sugaya in ay Dalka u jiheeyaan Mustaqbal Wanaagsan.

Madaxweyne Geelle ayaa tilmaamay in aysan Shacabka aqbali karin kala qaybsanaan iyo in ay ka waayaan Xildhibaanada Baalmaraan waxyaabaha ay ka sugayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa khudbadiisa inta badan diiradda ku saaray Midnimada, Hormarinta Dalka iyo mas’uuliyadda looga baahan yahay in ay kaalintooda ay ka qaataan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayuu sheegay in laga doonayo in ay shacabka tusaan in ay u yihiin kuwo ugu adeegaya Mas’uuliyadda ay saarteen, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlay qaxootiga Soomaalida ee dalalka kala duwan ku sugan waxa uu sheegay in uu sabab ugu dhigayo in ay waayeen Ammaanka, sidaas awgeed Cidda ay ka sugayaan in ay wax ka qabato ay tahay Dowladda, gaar ahaan Baarlamaanka.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti iyo xubno katirsan Dowladii ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana xalay loo sameeyay Munaasabad Casho ah, isaga isla maanta hadal dardaar u badan u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

7 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

9 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

12 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

12 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

14 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

14 hours ago