Madaxweynaha Argentine Alberto Fernandez ayaa ku baaqay midnimo xilli maanta mudaaharaadayaashu ay socod ku mareen caasimadda ilaa albaabka madaxtooyada, iyaga oo ku dhaleeceeyay dowladdiisa sicir-bararka sii kordhaya iyo deynta qaranka oo burburinaysa.
Madaxweyne Alberto Fernandez ayaa wajahaya caqabad uga imaaneysa dhanka Mucaaradka kuwaas oo doonaya in la yareeyo heerka saboolnimada sare iyo sicir bararka.
Dalkaan oo dhacay qaaradda Koonfurta Ameerika, oo ah dalka ugu badan ee soo saara galleyda, ayaa la tacaalaya sicir-bararka socda in ka badan 60%, cadaadis weyn oo saaran lacagta peso-ga iyo kharashyada soo dejinta gaaska oo sii qul-qulaya kaydka lacagta shisheeye ee awalba daciifka ahaa.
Khudbad uu ka jeediyay xuska sanadguurada madaxbanaanida Argentina, Fernandez wuxuu ku baaqay “midnimo” wuxuuna ka codsaday kooxaha kala duwan inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa.
“Taariikhdu waxa ay ina baraysaa in aan ilaalino xilliyada ugu adag,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in dalku u baahan yahay mas’uuliyad dhaqaale oo ay ku yar tahay kaydka lacagaha qalaad iyo sicir-bararka caalamiga ah ee cirka isku sii shareeraya “wuxuu dhaawac weyn u geysanayaa” dhaqaalaha gudaha.
Xukuumadda Fernandez ayaa toddobaad ka hor la kulantay ka dib markii uu si lama filaan ah isku casilay wasiirkii dhaqaalaha Dalkaas Martin Guzman, oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha oo hormuud ka ahaa wadahadallo lala yeeshay IMF.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…