Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shir soconaya muddo labo maalmood ah.
Shirkan waxaa ka qeybgelaya Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Dalka Eritrea oo marti gelinaya.
Kulan xalay ay ku yeesheen Asmara ayey saddexda Hoggaamiye ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.
Shirka hoggaamiyayaasha ayaa sidoo kale la sheegayaa in la isla soo qaaday sidii loo dhameyn lahaa colaadda u dhaxeysa dalalka Eritrea iyo Jabuuti.
Hoggaamiyayaasha saddexda dal ayaa isku afgartay in xal kama dambeys ah laga gaaro colaadda dalalka deriska ah ee Juuti iyo Eritrea sidoo kalena waddamada geeska Afrika ay noqdaan kuwo isku xiran amni,dhaqaale iyo siyaasad ahaan.
Maanta ayaa la filayaa in ii si rasmi ah u furmo shirka soconaya muddada labada maalmood ah,waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…