Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Mucaaradka ee la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta markale ku shiraya Xarunta Madaxtooyada si ay uga hadlaan xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, Doorashooyinka iyo qodobo kale.
Ilo ku dhow shirkaan ayaa ku warramay in kulankaan uu ka duwan yahay fadhiyadii dhowaan ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, labada dhinac ayaa soo sameeyay wadatashiyo la xiriira qodobada miiska saaran.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in ay dalka ka qabato Doorasho Dadweyne ama ugu yaraan Doorasho ka duwan midda dadban oo dowladdaan qudheeda lagu soo dhiso halka mucaaradka uu rabo in dib loogu laabto Teendhada Afisiyooni.
Kulamadii ugu danbeeyay ee ka qabsoomay Madaxtooyada ayay madaxda labada dhinac si isku dhinac ah u wadeen qodobadii sida hordhaca ah ay uga wadahadleen balse markaan lama oga in sidaas oo kale uu noqon doonno kulanka iyo is xaalku isbaddeli karo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…