Badda Mediterranean ayaa laga helay maydadka 8 qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo la sheegay in ay ka kala safreen Dalalka Liibiya iyo Giriigga oo kala dhaca Qaaradaha Afrika & Yurub sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo xogtaan la socday.
Shan qof waxaa maydkooda laga helay Dhanka Liibiya, halka saddexda kale dhinaca Giriigga laga helay, waxaana socda baarista Dad kale oo la waayay kuwaas oo loo badinayo in ay ku qarqameen Badda Mediterranean sida laga soo xogtay ilo wareedyo.
Sarkaal katirsan Booliiska Liibiya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Maydadka shanta qof ah in laga helay Magaalada Xeebta leh ee Qasra Al-Khayaar oo aan sidaas uga fogayn Caasimadda Dalkaas ee Tripoli.
Mas’uul katirsan Dowladda Giriigga ayaa dhankiisa shaaciyay in saddex qof ee dhintay laga helay Xeebaha Crete, waxa ay tani sii kordhisay diiwaanka dadka ku dhintay Badda Mediterranean maadaama ay maraan Tahriibayaasha.
Liibiya iyo Giriigga ma sheegin dhalashada Dadkaan balse tilmaam ay ka bixiyeen waxa ay ku sheegeen in maqaarkooda uu madow yahay taasina ay muujinayso in ay kasoo jeedaan Dalalka Midabkaas u badan ee dhaca Qaaradda Afrika.
Durba waxaa dhacdadaan lagu xiray in dad dhowaan la badbaadiyay oo la socday doomo ka samaysay baco la aaryeeyay iyo kuwa Alwaax kuwaas oo intooda badan la badbaadiyay kana soo jeeda Dalalka Masar & Suudaan ee Waqooyiga Qaaradda Afrika.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…