GUDAHA/wararka

Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya oo ku fashilmay in doorashada uu ku qabto xilliga loo asteeyay

Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa ku fashilmay in Doorashada uu ku qabto xilliga loo asteeyay, waxaana jira hadal xooggan oo arrintaas ka dhalatay iyo dhaliilo loo jeedinayo Xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Golaha Guurtida Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya oo saaka fadhi ka yeeshay arrintaan ayaa go’aan ka gaaray muddo xileedka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka waxaana loo kordhiyay muddo 27 bil ah oo u dhiganta 2 sano iyo 3 Bil.

72 xubnood oo kamid ah Golaha Guurtida (Odoyaasha) ayaa 71 kamid ah waxa ay u codeeyeen muddo kordhintaan, keliya waxaan codayn Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ugu dambayn ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday codayntooda.

Isla Golaha Guurtida waxaa horay uga dhammaaday Muddo xileedka Dastuuriga ah oo sidaan oo kale ayuu muddo ugu darsaday, tani waxa ay meesha ka saartay hannaankii doorashooyinka isku xigay ee maamulkaas uu ku faanayay muddo.

Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbigiisa Waddani ayaa horay dhowr jeer horay ugu dhaliilay Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye in uu ku fashilmay qabashada Doorashooyinka balse maanta isaga ayay dulsaaran tahay arrintaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Midowga Afrika oo ballan-qaaday in Mas’uuliyadda Amniga lagu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan in mas’uuliyadda amniga dalka Soomaaliya lagu…

11 hours ago

Dowladda Sweden oo sheegtay in qeyb ka qaadaneyso Cariyeynta Xabsiyada Soomaaliya

Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay qayb ka qaadato dadaallada…

13 hours ago

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

17 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

18 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

18 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

19 hours ago