GUDAHA/wararka

Maamulka KMG ah ee Koofur Galbeed oo sheegay in uu qaadayo howlgallo culus oo amniga lagu xaqiijinayo

Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu qaadayo howlgallo culus oo lagu adkaynayo Amniga Deegaannadaas isla markaana looga hortagayo ‘AS’ iyo xubno katirsan ciidanka Laftagareen sida hadalka loo dhigay.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo la kulmay saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedkaas waxa uu kala hadlay fulinta howlgallo lagu xoojinayo nabadgalyada.

Koofur Galbeed waxa ay dareemaysaa culays ciidan kaddib markii dhowaan la sheegay in duleedka Baydhabo ay dhowr jeer weerarro ka fuliyeen ciidamo katirsan kuwa Maamulkii Magaaladaas laga saaray ee Cabdicasiis Laftagareen.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa si wadajir ah u bixiyay amar la xiriira in laga hortago weerarrada ay qaadayaan ciidamadaas sheegay in ay ka amar-qaataan Laftagareen.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago