GUDAHA/wararka

DFS oo sheegtay in duqayn ka dhacday Shabeelaha Hoose lagu dilay xubno katirsan AS

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal duqayn ah oo Dowladdu la kaashatay saaxiibada ka gacansiiya weerarrada cirka ah in lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen xubno katirsan ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ayaa Shaaciyay in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa deegaankaan waa kahor inta aan la duqayn.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in duqayntaas lagu dilay 6 xubnood oo katirsan ‘AS’ isla markaana lagu burburiyay Hub iyo agab ay adeegsanayeen sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Dalka.

Qoraalka ayaa intaas lagu sii daray in duqaymaha iyo weerarrada dhulka ah ay sii socon doonnaan ilaa laga xaqiijiyo amniga looga hortago abaabulka ‘AS’ sida warka lagu yiri waxa ay Dowladdu u mahadcelisay Dalalka ka gacansiiya howlgalladaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

2 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

6 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

7 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

8 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

8 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

8 hours ago