Maamulka Hir-Shabeelle oo Aqalka sare u gudbiyay Cabasho ka dhan ah Bixitaanka AMISOM.

Cabdulqaadir Aadan Jeelle Wasiirka Amniga iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Hir-Shabeelle oo kulan gaar ah la qaatay Senatarada Aqalka sare ee kasoo jeeda Deegaanada Hir-Shabeelle waxa uu la wadaagay cabashada ay ka qabaaan qorshaha lagu bixinayo kun kamid ah Ciidamada AMISOM.

28-ka Bishaan ayaa lagu wadaa in Hir-Shabeelle laga saaro  1,000 askari oo ka socda Dalka Burundi kana howlgala Cadale, Xaaji Cali iyo Raage Ceele oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in arrintaan ay ku noqotay Uur ku taallo, sidaas awgeed Golaha Aqalka sare ay ugu soo bandhigeen in ay la socdaan.

Senator Cismaan Maxamed Macow oo deegaan Doorashadiisu tahay Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare uu la wadaagi doono Cabashadaan.

Macow ayaa tilmaamay in ay wakiil ka yihiin Dowlad Goboleedyada, kuna dhaqaaqi doonaan waxyaabaha lagu maareyn karo Cabashadaan.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

2 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

5 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

5 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

5 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

7 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

9 hours ago