Haweenka Muslimiinta ah ee ku jira aqalka hoose ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in ay cambaareyn joogta ah iyo naceyb ku hayaan Israel.
Ilhaan Cumar oo Soomaaliya ka soo jeedda iyo Rashiidda Dayib oo Falastiin ka soo jeeedda ayaa arrimaha Falastiin iyo Israel uga hadla kulamada Golaha Kongareeska iyaga oo sidoo kale fagaarayaasha ka cambaareeya.
Xildhibaannada Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka soo jeedo Trump oo arrintan ka faa’ideysanaya ayaa sheegay in Xisbiga Dimuqraadiga uu horseeday faafinta naceybka dadka Israel ama Yuhuudda ku nool gudaha Mareykanka.
Ilhaan iyo Rashiidda ayaa si lama filaan ah uga mid noqday Golaha Kongareeska Mareykanka iyaga oo matalaya Xisbiga Dimuqraadiga.
Doorashadooda ayaa noqotay markii ugu horreeysay oo haween Muslimiin ah xubin ka noqdaan Golaha aqalka hoose ee Dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…