GUDAHA/wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo 20 neef oo Geel ku wareejiyay Ciidanka Federaalka & Macawiisleyda

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 20 neef oo Geel ah & Raashin ku wareejiyay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe ka howlgalaya si loo kordhiyo dagaallada ka dhanka ah AS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo wakiishay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Fargax ayaa deeqdaan loo gacan geliyay saraakiisha ciidanka Xoogga.

Fargax oo ku sugan furimaha dagaalka ee Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho u sheegay in kaalmada garab istaagga ay isdaba-joog tahay kuwo kalena ay soo socdaan sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabul xooggan oo lagu garab istaagayo Ciidamada Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda, waxaa door firfircoon ku leh Haweenka oo dhowaan soo bandhigay cunno qalalan oo ay u direen ciidamadaas iskaashanay.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

2 mins ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

1 hour ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

2 hours ago

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

10 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

14 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

18 hours ago