Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay masaajid ku yaalla tuulada Fonbita ee gobolka Kokorou, koonfur-galbeed ee dalka Niger. Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, weerarka waxaa geystay kooxo ka tirsan Daacish.
Wasiir Toumba ayaa intaa ku daray in weerarka uu sidoo kale sababay 13 qof oo dhaawac ah, afar ka mid ahna ay xaaladoodu aad u daran tahay. Weerarkan naxdinta leh ayaa keenay in dowladda Niger ay ku dhawaaqdo saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, taasoo bilaabanaysa maanta.
Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka geystay, iyadoo dowladda ay ballanqaadday in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha.
Warar dheeraad ah ayaa laga sugayaa baaritaanka socda.
Mustaqbal
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…