Ciidamada militariga Suudaan ayaa tan iyo Jimcihii dib ula wareegayay xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartuum, iyaga oo ka saaray dagaalyahannada RSF. Ciidanku waxa ay Jimcihii la wareegeen qasriga madaxtooyada, suuqa Al Souq Al-Arabi, iyo dhawr wasaaradood oo muhiim ah.
Afhayeenka militariga Suudaan, Nabil Abdalla, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay RSF ka saareen qasriga madaxweynaha iyo xarumo kale oo istiraatiiji ah, taasoo uu ku tilmaamay jab xooggan oo gaadhay dagaalyahannada RSF.
Horumarkan ay militarigu gaareen ayaa qayb ka ah dagaal ballaaran oo la bilaabay bishii Sebtember 2024, ujeeddadiisuna tahay in dib loogu soo celiyo dhulka ay RSF gacanta ku haysay tan iyo bilowgii colaadda bishii Abriil 2023.
Dhinaca kale, RSF ayaa beenisay sheegashada militariga, iyaga oo ku adkaystay in dagaalyahannadoodu weli ku sugan yihiin qasriga madaxtooyada. Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in ay dileen 89 askari oo ka tirsan militariga Suudaan.
Taliyaha militariga Suudaan ayaa caddeeyey in dagaalka uu sii socon doono ilaa laga cirib tiro kooxda RSF, taasoo muujinaysa in colaadda Suudaan weli ka sii darayso.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…