GUDAHA/wararka

Maraykanka oo Madaxa ugu sarreeya Taalibaan ka dulqaaday abaalmarin lacageed uu horay u dulsaaray

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in hoggaamiyaha Taalibaan Ninka lagu magacaabo Sirajudiin Xaqqaani ay ka qaadday abaalmarin lacageed oo Washington horay u dulsaartay in la siinayo qofkii soo gudbiya xog lagu qaban karo ama lagu dili karo.

Lacagta dulsaarnayd Xaqqaani ayaa ahayd $10 Milyan oo doollar kaddib markii Maraykanka uu ku eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa dagaalladii adkaa ee Xulufada Ameerika kala kulmeen Dalka Afgaanistaan kahor inta aysan isaga bixin sanadkii 2021.

Tallaabadaan waxa ay timid kaddib markii Muwaadiniin Maraykan ah oo gacanta Taalibaan ku jiray lasii daayay, Dowladda Carbeed ee Qadar ayaa kaalin ka qaadatay howshaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada waxa uu soo dhaweeyay sii deynta Glezmann oo ah muwaadin amaarikaan ah oo dalxiis u tagay Afgaanistaan balse Taalibaan xirtay.

Rubio ayaa sheegay in tani ay muujineyso dedaallada loogu sii dhawaanayo dhabbaha is fahamka iyo dunida ay la jaanqaadi karaan Taalibaan oo boggii dagaallada soo xiray sida uu hadalka u dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Washington ayaa isbaddel siyaasadeed ku sameysay aragtideeda mas’uuliyiin katirsan Taalibaan iyo Dowladda gacanta ku heysa Suuriya, waxa ay dib uga laabatay lacago abaalmarineed oo hoggaamiyaal katirsan labadaas Dal dulsaartay.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

2 mins ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

52 mins ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

2 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

3 hours ago

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

10 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

15 hours ago