Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad lagu eedeeyay in ay Habeenkii furtaan layrarka ku shaqeeya Cad ceedda ee laga hirgeliyay Magaaladaaas.
Maxamuud Yaasiin Axmed,waxaa Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland,waxaa uu xusay in ayaantan ay soo kordheen dadka xilliga Habeenkii ah bur buriya Baallayaasha Korontada ee Cadceedda ku shaqeeya.
Waxaa uu Yaasiin sheegay in hadda qaar ka mid ah dadka loo heysto arrintaas ay xabsiga ku jiraan kuwo kalena lagu raad joogo.
Si guud ayuu uga hadlay amniga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaanna qeybta uu isaga maamulo waxaana uu sheegay maamulka Magaalada ee Gaalkacyo qeybta Galmudug iyo qeybta Puntland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen amniga haddana uu hagaagsanyahay.
Dadka Magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay in ay sida wadajir ah uga qeybqaataan sidii la isaga qaban lahaa dadka waxyeellada u geysta adeegyada danaha guud sida layrarka ku shaqeeya Cadceedda oo kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Turkiga munaasabadda 103-guurada Jamhuuriyadda Turkiga. War-saxaafaded ka soo baxay…
Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maanta Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ku qabtay madasha…
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa maanta magaalada Muqdisho…
Soomaaliya ayaa ka mid ah 33-ka waddan ee Afrika ee badeecadahooda u dhoofin kara Midowga…
Machadka Heritage ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigaya Daraasadda “Fahamka Dhaqdhaqaaqyada, Doorka iyo Waxtarka Bulshada…
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…