Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maanta Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ku qabtay madasha lagu soo bandhigay daraasad cinwaankeedu yahay “Fahamka Arrimaha Qaabeeya Doorka iyo Waxtarka Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Kaalinteeda ku Aaddan Isla-xisaabtanka.”
Madasha ayaa waxaa lagu casuumay ku dhowaad 350 qof oo isugu jiray hoggaamiyeyaal siyaasadeed, cilmi-baarayaal, hoggaamiyeyaal dhaqameed, culimo, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, haween, dhallinyaro iyo ganacsato Soomaaliyeed.
Agaasimaha Machadka Heritage, Mursal Saney, oo ka hadlay furitaanka madasha, ayaa sheegay in muddadii 15-ka sano ahayd ee machadku shaqeynayay uu xoogga saaray cilmi-baarista iyo qabashada madallo aqooneed oo la isugu keeno qaybaha kala duwan ee bulshada, si looga wada hadlo caqabadaha jira loona raadiyo xalalkooda.
Madasha ayaa lagu qabtay laba dood-cilmiyeed oo diiradda lagu saaray doorka bulshada rayidka ah ee dowlad-dhiska iyo isla-xisaabtanka bulshada.
Doodaha waxaa ka qayb galay khubaro ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ka qaybgalayaashu ay su’aalo ka weydiiyeen qodobadii laga dooday.
Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar Xasan oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo xirtay madasha lagu soo bandhigay daraasadda uu Machadka Heritage soo saaray sannadkan.
Mustaqbal
Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Turkiga munaasabadda 103-guurada Jamhuuriyadda Turkiga. War-saxaafaded ka soo baxay…
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa maanta magaalada Muqdisho…
Soomaaliya ayaa ka mid ah 33-ka waddan ee Afrika ee badeecadahooda u dhoofin kara Midowga…
Machadka Heritage ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigaya Daraasadda “Fahamka Dhaqdhaqaaqyada, Doorka iyo Waxtarka Bulshada…
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…
Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee jaamacadda ah (Bachelor’s Degree)…