Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee jaamacadda ah (Bachelor’s Degree) u ballanqaaday ardayda reer Galmudug ee dhammaysatay dugsiyada sare, kaddib doorashadii hoggaamiyaha cusub ee maamulkaas, Liibaan Axmed Xasan.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, deeqdan waxaa bixinaysa Jaamacadda Qabridaharre, waxaana ardayda ka faa’iidaysanaysa lagu soo xuli doonaa tartan furan oo hufan.
Arrintan ayaa timid kaddib wada-hadal dhanka taleefanka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, iyo hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.
Intii uu wada-hadalku socday, Madaxweyne Mustafe ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub, isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay deeqdan waxbarasho oo uu ku maamuusay doorashadiisa.
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegtay in ardayda dhammaysatay waxbarashada dugsiyada sare lagu wargeliyay inay ka qaybgalaan tartanka lagu soo xulayo ardayda heli doonta deeqda.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in faahfaahinta shuruudaha ka-qaybgalka, habraaca isdiiwaangelinta, goobta iyo waqtiga tartanka lagu shaacin doono ogeysiis rasmi ah.
Mustaqbal
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda ay dib u…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay marayso shaqada qodista Shidaalka Dalka ee…
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Maamulka Koofur…
Dowladda Cuba ayaa Maraykanka ku eedeysay in uu geliyay dhibaato dhaqaale kaddib markii uu kordhiyay…