Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda ay dib u dayactir ku sameyn doonto Buundada degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ku burburtay roob da’ay 2023kii.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruuca dayactirka buundooyinkan ay dowladda Soomaaliya ka taageerayso Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank).
“Waxaan dib u dayactir ku sameynaynaa buundooyin ku yaalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana mashruucan naga taageeraya African Development Bank,” ayuu yiri Wasiir Biixi Iimaan Cige.
Buundooyinka Baardheere ayaa ka qeyb qaata isku xirka labada dhinac ee magaalada iyo isu socodka dadka, gaadiidka iyo badeecadaha.
Sidoo kale, waxay door weyn ku leeyihiin isku socodka ganacsiga ee gobolka Gedo iyo gobollada deriska la ah, iyo isku xirka waddooyinka ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya.
Mustaqbal
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…
Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee jaamacadda ah (Bachelor’s Degree)…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay marayso shaqada qodista Shidaalka Dalka ee…
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Maamulka Koofur…
Dowladda Cuba ayaa Maraykanka ku eedeysay in uu geliyay dhibaato dhaqaale kaddib markii uu kordhiyay…