Machadka Heritage ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigaya Daraasadda “Fahamka Dhaqdhaqaaqyada, Doorka iyo Waxtarka Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Kaalinteeda ku Aaddan Isla Xisaabtanka.”
Madasha lagu soo bandhigayo Daraasadan ayaa ka qeyb galaya hoggaamiyeyaal Siyaasadeed, Cilmi-baarayaal, Hoggaan dhaqameed, Culimo, Bulshada rayidka, Haween, Dhallinyaro iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa Madasha lagu soo bandhigaya Dood cilmiyeedyo la xiriira doorka Bulshada Rayidka ee la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed sida Golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo Garsoorka.
Doodka koowaad oo hadda socota ayaa waxaa ka qeyb galaya Prof Maxamed Cumar Dalxa hore xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladda Soomaaliya, Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cusmaan Muxuyadiin Shaatax iyo mas’uuliyiin kale.
Wixii ka soo kordha halkaan kala soco
Mustaqbal
Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Turkiga munaasabadda 103-guurada Jamhuuriyadda Turkiga. War-saxaafaded ka soo baxay…
Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maanta Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ku qabtay madasha…
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa maanta magaalada Muqdisho…
Soomaaliya ayaa ka mid ah 33-ka waddan ee Afrika ee badeecadahooda u dhoofin kara Midowga…
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…
Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee jaamacadda ah (Bachelor’s Degree)…