Kooxda Liverpool ayaa war caafimaad kasoo saaray dhaawicii dhawaan soo gaaray xidigeeda reer Africa ee Keita.
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa ku rajo weyn in uu dhaawacii soo gaadhay noqdo mid fudud isagoona la sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan garoomada ugu soo laaban doono.
Xiddiga ayaa ku dhaawacmay kulan uu xulkiisu la ciyaarayay Rwanda kana tirsanaa is reeb-reebka koobka Qaarada Africa.
Xiddigan 23 jirka ah ayaa dhamaysan kari waayay kulankii Rwanada isaga oo garoonka laga dhex qaaday iyada oo uu waliba dhabarka ku qaaday xiddig ay isku xul yihiin kadib markii la waayay sariirta dhaawaca.
Kooxda Liverpool ayaa sheegaysa in uu xiddigu ku rajo weyn yahay in uuna dhaawaciisu noqon doonin culus oo uu taam u noqon doono kulamada ay kooxdiisu ciyaari doonto.
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…