Abdisaid M. Ali, La taliyaha Amniga qaranka ee Madaxweyneha Soomalaiya
La taliyaha ammaanka qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya mudane Abdisaid M. Ali ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu uga jawaabay war xafiiska QM ee Soomaaliya uu ka soo saaray doorashada dowlad-goboleedka KGS oo Shariif Xasan Sh. Aadan iska casilay 7–November- 2018, xilkii madaxweyne kaddib culeys siyaasadeed oo sida uu sheegay uu dareemay.
Abdisaid M. Ali ayaa yiri: “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn”
Warka la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmajo ayaa ka jawaabayey war-saxaafadeed xafiiska QM ee Soomaaliya kasoo saaray doorashada Koofurgalbeed Soomalaiya , kaas oo nuxurkiisu ahaa in doorashada KGS ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka UNSOM
Waxa suuragal ah in hadalka uu La taliyuhu ku qoray bartiisya Twitterka uu muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay xiirirka ka dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska QM ee Soomaaliya.
Waxa kale oo warkaasi u muuqdaa mid diblomaasiyadeed oo tilmaamaya sida aanay dowladda Soomaaliya ugu qanacsanayn faragelinta arrimaha gudaha ee xafiiska UNSOM oo u muuqata mid taagan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…