GUDAHA/wararka

Laba qof oo ku geeriyooday isu soobax ka qabsoomay magaalada Caabudwaaq

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, ka dib markii ciidamada ilaalada u ah Musharax Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed, ay rasaas ku fureen dad shacab ah.

Dhacdadan ayaa timid xilli magaalada uu ka socday isu-soobax lagu soo dhoweynayay Musharaxa oo booqasho ku jooga magaalada.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, rabshadda ayaa bilaabatay ka dib markii qaar ka mid ah dhalinyaradii ka qeyb galaysay isu-soobaxa ay sameeyeen foodo iyo buuq, taas oo keentay in ciidanka ilaaladu ay rasaas toos ah u adeegsadaan dadkii goobta ku sugnaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in rasaasta ay sababtay dhimashada labadaas qof, iyadoo dad kale oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda magaalada Caabudwaaq ayaa hadda, mana jiraan weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Musharax Liibaan Axmed ama maamulka degmada oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay falkan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

34 mins ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

42 mins ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

53 mins ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

12 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

14 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

15 hours ago