Kusaabsan Daacish?

Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam, ama  الدولة الإسلامية في العراق والشام, Shaam waa magac loo yiqiin dhul weyn oo kamid ahaa bariga dhexe, waxaana kamid ahaa dhulkaas dhulka dowladda Suuriya,  marka la soo gaabiyana Afka Carabiga waxa uu magacaasi noqonayaa Daacish, hadda magaca oo dhan waxa loo rogay dowladda Islaamiga ah.

Waa urur Aragti ahaan raacsan dhanka aragtida Wahaabiyada, oo ah dhaqdhaqaaq Islaami siyaasi ah oo kasoo billowday deegaanka Najda  ee bartamaha jasiiradda Carbeed, dabayaaqadii qarnigii 12 ee Hijriyada, kuna beegnaa qarnigii 18aad ee Miilaadiga.

Waa urur hubeysan oo xukun don ah,sidaa awgeed waddamada qaarkood ayaa u yaqaan urur argagixiso.

Dhanka awoodda waxa uu ururkani isu arkaa in uu ku taagan yahay aragtida Islaamka ee JIhaadka, hayeeshee aqoon yahanka Islaamka ah ee dhalliilaa waxa ay ku sheegaan in uu yahay urur xukun doon ah oo hadba sidii u suuragasha u wajaha cidda uu u arko in ay ku hor gudban tahay halka uu u socdo, iyada oo aan Islaamka iyo xeerkiisa jihaadka la tixgelin.

Dariiqada Wahaabiyada waxaa la yimid Sh. Maxamed Cabdul Wahaab, oo ahaa wadaadka leh magaca iyo Maxamed Mascuud oo ahaa asaasaha Waddanka Sucuudiga oo illaa maanta wata magaca Sucuud.

Ururo badan oo isu arka in ay ku taagan yihiin aragtida Maxamed Cabdul Wahaab ayaa haddana si walba uga duwan, habkii uu u maray fidinta Islaamka, taasna waxaa sababay soo ifbixidda dad badan oo aan wax baran waxna akhrin oo qaatay aragtidaas.

Hoggaamiyeyaasha Daacish iyo dadka ka ah xubnuhu waxa ay isu arkaan urur xaqiijinaya ujeeddada ah dib u soo celinta Dowladdii Islaamka oo mar xukuntay Caalamka intiisa badan ,

Howlgalka ururka Daacish waxa uu ku fidsan yahay waddamada Ciraaq iyo Suuriya, waxaa jira baaritaano muujinaya in ururka Daacish ka jiro waddamo kale oo ay kamid yihiin Liibiya, koofurta Yeman, Waqooyiga waddamada Nayjeeriya iyo Baakistaan, Abuubakar ALbaqdaadi ayaa ah hoggaamiyaha Ururka Daacish.

Daacish waxa ay ka go’day ururka Alqaacidda ee Ciraaq oo uu sameeyey Abuu Muscab Azarqaawi oo ku dhintay Dagaalkii lagu riday dowladdii Saddaam Xuseen C/Majiid Atikriiti, dagaalkaas oo waxa ka qaybgalay kooxo badan oo ka mideysnaa ladagaalanka dowladihii ku duulay Ciraaq 2003, kuwaas oo ay Alqaacidda ugu weynayd.

Gole isu yiqiin golaha talada Mujaahidiinta, oo aakhirkiina sameeyey Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq ayaa loo tiriyaa in uu hordhac u ahaa Daacish.

Daacish ama Dwladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo SHaam waxa ay awood iyo dad metela ku leedahay gobolo badan oo ka tirsan Ciraaq sida Anbaar, Naynawa, Kerkuuk, Salaaxu diin, Baabil, Diyaala iyo Baqdaad.

Laga soo billaabo  sanadkii la soo dhaafay ee 2014, Daacish waxa ay sameysay horumar dhanka dagaalka ah, waxa taas sabab u ah hoggaamiyaha oo ah nin yaqaan dadka iyo dhulka uu ururku k adagaalayo, sidaas oo kale muhiimadda ay Daacish siiso dhanka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ayaa ah qayb kamid ah sababaha horumarka Daacish.

Daacish Dwladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo SHaam waxa ay hadda isku fidineysaa dhulka Suuriya gobollo ka mid ah sida: Riqa, Diiruzuur, Edleb iyo Xalab.

Isballaarinta Daacish ee Suuriya waxa ay hakad gashay markii la sameeyey Ciidan la siiyey tababarka kan Daacish qudheeda oo haysta Zaad iyo Sahay ku laba jibbaaranta midda uu haysto Ciidanka Daacish, Ciidankaas oo laga keenay Dowlado kala duwan, waxa loo diyaariyey si uu uga hortago in Daacsih, sidaa awgeed Ogost 2014 illaa April 2015, waxa ay Daacish lumisay 25-30% dhulkii Ciraaq ee ay horay u qabsatay, taas oo tijaabo fiican u noqotay dowladaha bixiyey dhaqaalaha lagu hayo ciidanka la dagaalaya Daacish,

Daacish waxa ay xiriir kalsooni leh la lahayd Ururka Alqaacidda illaa bishaa Febraayo ee 2014, kadib hardan iyo tartan awoodda iyo maamulka ay labaduba ugu jireen,kaaso oo taagnaa muddo 8 bilood, waxa uu ururka Alqaacida xiriirka u jaray Daacish ama Dwladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo SHaam.

Alqaacidda waxa ay u aqoonsatay ururka Daacish in uu yahay urur dhiigya-cab ah oo ku baxay adeeciddii hoggaanka Alqaacidda, sidaas awgeedna waxa ay ugu yeeraan urur Caasi ah oo sumcad xun.

June-2014, Daacish waxa ay haysatay 4,000 oo dagaal yahan, guddiga Xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in Daacish gaarsiiyey ciidankeeda Suuriya illaa 50.000 oo qofood, halka ay Ciraaqna ka dhistay ciidan gaaraya 30.000 oo qof.

Ujeedka Daacish ee koowaad waxa uu ahaa in sida ay qabaan dowladdii Khilaafada Islaamiga ah laga dhiso deegaanada ay Muslimiinta Sunniyiintu deggan yihiin, hayeeshee waxa ay Daacish ballaarisay hadafkeeda markii ay ka qaybgashay dagaalkii Sokeeye, waxa ayna ballaarisay ujeedkeedii hore iyada oo ku fidisay dhulka Suuriya ee ay deggan yihiin Sunniyiintu.

Daacish waxa ay Juyl-2014 ku dhawaqday Dowlad khilaafa Islaami ah oo ka jirta Ciraaq iy Suuriya.

Abuubakar Albaqdaadi ayaa noqday Hoggaamiye, Hadda waxa loo yaqaan madaxweynaha Muslimiinta ee  Dwladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo SHaam

Daacish waxa ay sheegatay mas’uuliyadda qarxinti safaaradda Iiran ee Bayruut.

Kooxda isu bixisay Taageerayaasha  Shareecada ee taageersan Daacish ayaa sheegtay qarxinta masaajid ku taal Yamen

General Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

3 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

6 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

10 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

11 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

12 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

13 hours ago