Saraakiil ciidan oo katirsan Dowladda Suudaan ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku eedeeyay in uu qayb ka yahay colaadda dalkaas ka taagan isaga oo garab istaagay Kooxda RSF ee garabka ka hesha Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya maamulkaas.
Jeneraal Yaasir Al-Cataa, oo ah ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka Suudaan oo la hadlay qaar kamid ah ciidamada dalkiisa ayaa eedeyntaan kahor sheegay isaga oo ugu baaqay ciidamadooda inay wax ka qabtaan faragalinta shisheeye ee dalkooda lagu hayon.
Yaasir ayaa intaasi ku daray dhacdooyinka aan la mahdin ee Daarfuue iyo Kordofaan lagula xisaabtamayo dhinacyada shisheeye sida Dowlad Goboleedka Puntland oo kooxo Caloosh u shaqaystayaal ah uga qayb qaadatay halka garoonka diyaaradaha Boosaaso uu noqday marin fududeeyay Duullaankaas waa sida hadalka loo dhigay.
Qaramada Midoobay gaar ahaan guddiga xuquuqul insaarta ayaa horraantii September 2026 waxa uu Warbixin uu kasoo saaray xaaladda Suudaan ku sheegay in hub ka yimid Imaaraatka la mariyay Boosaaso oo Puntland ah iyo Berbera oo maamulka Waqooyi Galbeed halkaas oo Imaaraatku uu ku leeyahay saaxiibo siyaasaseed.
Maamulka Siciid Deni ayaa xiriir wanaagsan la leh Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabka oo sidoo kale kaalin weyn ku leh faragelinta iyo colaadaha aan dhammaadka lahayn ee ka jira Dalal ay kamid tahay Suudaan maadaama Kooxda Gurmadla Degdega ah ee RSF ay isku xiran isla markaana ka taageerto Hubka iyo dhaqaalaha sida hadalka loo dhigay.
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda cusub ee Baasaboorka dalka maadaama ay xubin rasmi…
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga mamnuucay in ay hub ku dhex…
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge, oo ah nin u dhashay…
Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay kulan aan…
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay diiwaangelinta ururrada…